Waa deyn habboon, fudud oo leh dulsaar yar looguna talagalay ganacsiyada yaryar ee SEATTLE.

cityscape illustration of Seattle Washington

Xog ku saabsan Deynta

SHURUUDAHA DEYNTA

Qaado deyn gaareysa illaa $150,000
cadad dulsaar oo dhan 4%
Wax khidmad ah iyo kharash dulsaar ah la isgama qaadaayo sanadka koowaad
shuruudaha deynta ee 60-billood

ISTICMAALIDA DEYNTA WAA WAX FUDUD

Mushaarka
Kirada iyo adeegyada
Suuqgeynta iyo xayeysiinta
Dhisida Hormarinada ama dayactirada
Kharashaadka kale ee ganacsiyada

Ganacsiyada yaryar waxay qaadan karaan deyn gaareysa illaa $150,000

Lacagta waxaa loo adeegsan karaa arrimaha fudud, soo ay kujiraan mushaarka, adeegyada iyo kirada, sahayda, suuqgeynta iyo xayeysiinta, dhisida hormarka ama dayactirada, iyo kharashaadka kale ee ganacsiyada.
Deymaha kharashka shaqada ee dabacsan
cadad dulsaar oo dhan 4%
Waqtiga dib u bixinta kharashka ee 60-billood

Daawo muuqaalkaan si aad u hesho xog balaaran oo ku saabsan sida loo dhammeystiro codsiga hordhaca ah iyo waxa aad filan karto kadib marka aad dhameyso.

Codsiga hordhaca ah ee Barnaamijka Helida Kharashka Seattle wuxuu furmayaa Maarso 8, 2022.

Codsiga hordhaca ah waa in lasoo gudbiyaa kahor Abriil 8 marka saacadu tahay 5p.m.

Hanaanka Codsiga

Si aad ugu qalanto Barnaamijka Helida Kharashka Seattle waxaad u baahan doontaa inaad:

Buuxiso codsiga hordhaca ah ee kujira bartaan hoose inta u dhaxeysa Maarso 8, 2022 iyo Abriil 5, 2022.
Codsigaaga waxaa eegi doona deyn bixiyaasha bulshada.
Xaalada codsigaaga waxaa lagu socod siin doona deyn bixiyaasha bulshada.

SI AAD U HESHO XOG DHEERAAD AH OO KU SAABSAN SHURUUDAHA U QALMIDA IYO HANAANKA DOORASHADA EE BARNAAMIJKA HELIDA KHARASHKA SEATTLE GUJI HOOS

Dukumiintiga La iska rabo

Maadaama uu qayb ka yahay codsigaaga buuxa ee deynta, waxaad u baahan doontaa inaad dukumiintigaan u keento deyn bixiyaasha.
Foomka canshuur celinta ee aad dhawaan sameysay, haddii la heli karo uuna u baahan yahay deyn bixiyaha
Bayaanada Bankiga iyo/ama bayaanada dhaqaale ee gudaha
Macluumaadka ku saabsan mulkiilaha(mulkiilayaasha) ganacsiga ee leh in ka badan 20% hantida, oo ay kujiraan magaca, ciwaanka, SSN, EIN ama ITIN, lambarka taleefanka, iimaylka, lahaanshaha boqolkiiba, iyo aqoonsiga sawirka
Foomka Caddeynta La fuliyay (ee uu bixiyo deyn bixiyaha bulshada)
Qeexitaan kooban oo ku saabsan saameynta COVID-19 ku yeeshay ganacsigaaga
Dammaanad shaqsiyeed
Dukumiintiyo kale oo uu doonaayo deyn bixiyuhu marka la gaaro ama kadib waqtiga codsiga.
Dhammaan ganacsiyada kuyaala Washington ayaa wali lagu soo dhaweynayaan inay halkaan ka codsadaan Maalgelinta Dabacsan ee Ganacsiyada yaryar waqti kasta. Waqtiga codsashada hordhaca ah ee Maarso 8 – Abriil 8 waxaa si gaar ah loogu talagalay ganacsiyada Seattle ee doonaya suurtagalka inay kaalmo maaliyadeed ka helaan Barnaamijka Helitaanka Dhaqaalaha ee Magaalada Seattle ayagoo dib u bixinaya qayb kamid ah amaahdooda.

Maalgelinta Dabacsan ee Ganacsiyada yaryar waa barnaamij gooni ah oo ka madax banaan Barnaamijka Helitaanka Dhaqaalaha Magaalada Seattle ma maamusho ama ma maareyso Maalgelinta Dabacsan; Deyn bixiyayaasha Maalgelinta Dabacsan ee Bulshada waxay gaari doonaan go’aano deyn oo madax banaan oo la siinaayo dadka codsada ee u qalma.

Hadda codso

4.00%

Ganacsiyada Yaryar

Qaado deyn gaareysa illaa

$150k

60

billood

Dhamaystir Codsigaga Hordhaca ah Hadda

DEYN BIXIYAASHA

Haddii aad u baahan tahay caawimaad dheeraad ah

Caawimaada Codsiga

Fiyatnaamiis. Kulamada xogta muuqaalka ah, casharrada fiidyoowga ah, Su’aalaha Inta badan la isweydiiyo iyo sidoo kale taageero shaqsi ayaa la heli doonaa si loo caawiyo ganacsiyada yaryar inta lagu jiro nidaamka codsiga. Si aad u hesho taageeradaan, fadlan la xariir Sameynta Ganacsiga NW adoo kala xariiriaya 206-324-4330.
Ganacsiyadu waxay taageero ka codsan karaan Xafiiska Hormarinta Dhaqaalaha sida adeegyada Helida luuqada, adeegyada naafada, agabka qaababka kale ah iyo helida macluumaadka ayagoo wacaaya (206) 684-8090 ama iimaylka u diraya oed@seattle.gov.

Kulamada Xogta Muuqaalka ah

Kubiir Xafiiska Hormarinta Dhaqaalaha iyo Saameynta Ganacsiga ee NW iyo la taliyayaasha Maalgelinta Dabacsan ee ganacsiyada si aad u hesho kulamada xogta muuqaalka oo sharixi doona xogaha deynta, u qalmida, sida loo codsado, agabka lagu caawiyo habka oo looga jawaabo su’aalaha gaarka ah. Fadlan isdiiwaangeli labo asbuuc kahor si aad u hesho taageerada turjumaada labada luuqadood.

Maarso 17, 2:30-3:30 p.m.

Guji halkaan si aad isku diiwaangeliso.

Maarso 28, 2:30-3:30 p.m.

Guji halkaan si aad isku diiwaangeliso.
Fiiro gaar ah: Shaqaalaha Xaafiiska Hormarinta Dhaqaalaha waxay kaala soo xariiri karaan taleefan ayagoo adeegsanaaya koodhka deegaanka ee ah 206 ama iimayl ku dhamaada @seattle.gov. Ganacsiyada waxay xaqiijin karaan aqoonsiga shaqaalaha ayagoo wacaaya xaafiiskeena kana soo wacaaya 206-684-8090 ama booqanaaya bogga barta shaqaalaha ee webseedkeena.